Share With Your Friends

Baraha bulshada ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyey qabsaday maammo afarta lixaad ku guur guuraneyso taasoo isku dayeeysay in ey ka cararto xabadaha dusheeda ka socday laakiin ey awoodi weysay oo ey dantu ku kaliftay in ey gurguurato si nafteeda u bad baadiso. Dhibaatadaan ayaa dhacday kadib markii ciidamo dowlada ah iyo kuwo mucaaradka ey is xabadeeyeen kadib banaan bax weyn oo leyskugu soobaxay oo dowlada looga soo horjeedo.

Maamada ayaa wareysi qaas ah siisay Mustaqbal Tv taasoo xaaladeeda iyo wixii soo garay maalintaas ka hadashay. Maamadaan danyarta ah oo nolol maalmeedka caruurteeda usoo baxda sida caadiga ahaay maalintaas oo ey jireen banaan baxyo waaweyn ayaa dhibaato badan ku reebay.

Maamada ayaa sheegtay in dhaawac so gaaray lugaha iyo gacmaha sidoo kale waxaa usii dheer in ey naxdintii ey kaqaaday ilaa maanta ey jareyneyso. Maamadaan da,ada ah ayaa hada kunool naxdin ey lajiifan weyday iyo jareyn jirka ah. Xabadihii dusheesha ka dhacayeye ayaa usabab noqday in ey cuntada cuni weyso oo afka loo galgaliyo sidii qof curyaan ah.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO WARBIXIN DHEERAAD AH OO EYNU KA DIYAARINAY BARTA YOUTUBEKAANA:

https://www.youtube.com/watch?v=66LfJZPlNN4

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site is protected by reCAPTCHA and the Google Privacy Policy and Terms of Service apply.

error: DIGNIIN AA QABTAA !!
Skip to content