Kooxaha caalamka ayaa siweyn ukala iibsanaya laaciibta kubada cagta Bishaan Janaayo ee sanadkaan 2023. Hal bil ayeey heystaan ey kusoo iibsadaan ciyaartoyga ey rabaan inuu kusoo biiro kooxdooda. Maalha ka harsan bisa Janaayo ayaa siweyn suuqa kala iibsiga ciyaartoyda siweyn loo hadal hayaa ciyaartoyda katagaya kooxahooda kuna biiraya koox cusub.
Laacib si cajiib ah uga dalbaday kooxdiisa iney fasaxdo ayaa suuqa la hadal hayaa. Kaas oo kusoo qoray barahiisa bulshada fariin aan caadi aheyn uu ku dalbanayo inuu kooxdiisa katago, maadaama ey kooxaha dalabka kasoo gudbiyey laacibkaan ey kooxda iska diida.
Laacibkaan lagu magacaabo Moises Maicedo ee uciyaara kooxda Brighton & Hove Albion F.C. ee ka dhisan wadan ingriiska ayaa siweyn ubarabo katagida koodxaas. Maadaama kooxdaan ey laacibka kooxda mushaar yar siiso. Laacibka oo qoraalkiisa baraha bulshada ku sheegay inuu kasoo jeedo faamili danyar asaguna ugu yar yahay. Sidaas dalteed uu rabo inuu fursadaan ka faaiideysto.
Kooxaha soo dalbada yaa kala ah Arsenal iyo Chelsea oo labaduba ka dhisan Ingriiska qaasata Magaalada London. Kooxahaan faca weyn fursad ayuu uarkay dalabka ey kasoo gudbiyeen saxiixiisa laacinkaan.
Muxuusheegay Lacagta ey ku iibinayaan iney kooxda ku hormariyaa, sidoo kalena uga mahadceliyey in kooxda ey kasoo heshay wadankiisa Ecuador keentana Premier league oo ah kan aduunka loogu daawasho badan yahay.
Kooxda Brighton & Hove Albion F.C. ayaa kutiri laacibka isbuucaan qaado fasax madaxa soo daji nagu soo laabo markuu xirmo suuqa. Taas oo loo arkay in ey kooxda eysan rabin inuu katago loona arkayo in ey xabsi guri ka dhigtay laacinkaan 21 jirka oo mustaqbay weyn la leh kubada cagta.
HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA :