Dood adag oo barta Tiktok dhalinyaro ey ku qabatay kasoo kala jeeda waqooyi iyo koonfur oo isku raacay in ey wax kajiraan hadalheynta ah in Somaliland siyaasiyiintooda ey siweyn utaageeraan. Kuwaa oo lasheegay in ey udiraan dad kasoo jeeda Waqooyiga qaasatan Somaliland oo waliba isku qabiil dhaw yihiin siyaasiyiinta xukunta Somaliland.
Siyaasiyiinta iyo xukuumadaha kajira Somaliland ayaa lagu eedeynayaa in ey qeyb weyn ka qaataan walibana hubeeyaan kooxda khawaarijta ah ee Alshabaab. Sababaha lagu tuhunsan yahay ama dadka qaar ey leeyihiin in ey wax ka jiraan, ayaa qaarkood si xagjir ugu hadalo ku digasho marka masaakiinta qaraxyada xamar ugu dhimaneyaa arkaan.
Heer waxa lagaarsiiyey in walaalahood soomaaliyeed ey yahuuda kajeclaadaan dadka shacabka ee Somaliland iyo siyaasiyiinta qaar. Waxaana lagu beeray ama loo sheegay in ictiraaf uusan dhici karin ama la aqoonsan karin Somaliland inta Muqdisho nabad ey noqoneyso ah caasimada dalka Somalia. Aduunkuna u arki doono in Somaliland ey tahay gobol ka tirsan Somalia marnaba aanu jirin sabab uu uga go.o dalka Somalia.
Hogaamiyaasha iyo aasaasayaasha khawaarijta Ashabaab wax ey kasoo jeedaan qabiilada daga waqooyiga qaasatan Somaliland. Maalmo kahor waxa ugoostay abwaan dhalin yaro ah oo ladhaho Nageeye kaas oo heyada nabad sugidu ey sheegatay sadax bil kahor in uu kubiiray kooxdaas. Sidoo kale waxaa si iskadaba joogleh ugu qulqulayada dhalinyaro kale oo kasoo jeeda Somaliland kusoo oo soo gala Xamar kadibna usii gudba meelaha ey ka taliyaan Khawaarijtu.
Daawo Dood Agag Dhalinyarada Soomaaliyeey Ku Yeesheen Barta Tiktok: