DAGDAG/JAMARIYADA JABUTI OO DAAD AAD U WAYN KA DHACAY
Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaacil Cumar Geelle ayaa dedaal badan oo nafhurinimo ah galiyay gurmadka Shacabkiisa musiibada dufaanadu ku habsadeen.Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa si toos ah u hagaayay Amarada ugu sareeya ee badbaadinta Shacabka Jamhuuriyada, isagoo Madaxweynuhu Diyaaradaha qumaatiga u kaca amar ku bixiyay inay si balaadhan uga shaqeeyan badbaadinta Shacabka Jamhuuriyada.
