Share With Your Friends

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha dalkaas, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis.

Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida Soomaaliya, Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site is protected by reCAPTCHA and the Google Privacy Policy and Terms of Service apply.

error: DIGNIIN AA QABTAA !!
Skip to content