Share With Your Friends

Deg-Deg: Markab ay leeyihiin Ciidamada badda ee Ruushka oo ay ku rakiban yihiin gantaallada sare ee loo yaqaan Kinzhal ayaa galay badda Mediterranean-ka isagoo sii maray kanaalka Suweys, taasoo qeyb ka ah dhoolatus ciidan oo la qorsheeyay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Markabka, Marshal Shaposhnikov, ayaa sii wadi doona fulinta hawlo loo xilsaaray oo hoos yimaada qorshaha socdaalka, ayaa lagu yidhi bayaan. Wax tafaasiil ah oo intaas dheer lagama bixin.

Toddobaadkii hore, Kremlin-ka wuxuu ugu baaqay dhammaan waddamada Bariga Dhexe inay muujiyaan is xakameyn oo ay ka hortagaan in gobolka uu ku dhaco fowdo dhammaystiran ka dib markii xiisad ay kicisay duqeyntii dhimashada lahayd ee Israa’iil ay ku qaadday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq 1-dii bishan Abriil.

“Waqtigan xaadirka ah aad bay muhiim u tahay in qof kastaa uu ilaaliyo is xakamaynta si aanu u horseedin xasillooni daro balaadhan oo uga sii darta xaalada gobolka” ayuu yidhi Xoghayaha Warfaafinta ee Madaxweynaha Ruushku

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site is protected by reCAPTCHA and the Google Privacy Policy and Terms of Service apply.

error: DIGNIIN AA QABTAA !!
Skip to content