Share With Your Friends

War naxdin iyo walwal ku beeray somalida ee kunool dalka Sweden. Dilka arxan daradaha ah ee nin cunsiri uu ugeesytay gabar somali ah. Taas oo ayadoo shaqo kasoo baxday meel geedo leh mugdiga habeenkii nin uga soo baxay kaas oo si gaadmo ah mindi dhowr mar ku dhuftay.

Gabadha waxa taleefan kula hadlayey saaxiibteed oo maqashay halmar qeylo aad u badan oo gabadha saaxiibteed ah oo Nimco lagu magcaabo. Cabaar qeylo kadib waxa ey maqliweysay gabarta saaxiibteed ah kadib faamilkeeda ayeey uwacday, ilaa Booliska la ogeysiiyo.

Abaaro laga joogo 40daqiiqo kadib ayaa lahelay maxruumada oo kunafweyday meesha uu ku dilay ninka cunsiraga ah. Baaritaan qaatay maalin ayaa lagu soo helay ninka falkaas geystay. Kaa oo hada baaritaan uu ku socdo.

Warbixinta ninka Boolisku qabta ayaa lagu sheegay ninka inuu mashkaxda ka xanuunsano ama dhimir uu qabo oo in muda ah. Wax dhaqtar ah oo ninkaan uqoray in la xareeyo majiro. Dadka ayaana ubadinaya ninkaan naceyb cunsurinimo in uu udilay gabarta xigaaban ee muslimka ah waliba somali ah.

Nimco ayaa aheyd caawiye kalkaaliso kuna han weyneyd in ey noqoto kalkaaliso mar, soo kale rabtay in ey qaadato kaarka wadista baaruubka iyo in ey arooska.

Dadka ajaanibta ah ee kunool dalka Sweden siweyn uga hadlayaan dhacdadaan. Kuwaas oo leh ” mar uu Iswiidhil dhal ah dilo qof ayaanib waxaa la leeyahay maskaxda ayuu kajiran yahay” Marka qof ajaanib wax dilo lama oranayo isla markiiba asagoo baaritaan lagu sameyn oo waxaa lagu qorayaa wargeysyada in uu yahay dilaa.

Daawo Muqaal Waxbixinta Oo Dhameystiran Hoos:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site is protected by reCAPTCHA and the Google Privacy Policy and Terms of Service apply.

error: DIGNIIN AA QABTAA !!
Skip to content