Dagaal socday saacado badan oo udhaxeeyey ciimada xooga dalka Somalia iyo kuwa maamulgobaleedka Jubbaland. Dagaalkaas oo kadhacay aaga magaalada Raaskaambooni ee xad beenaadka Kenya udhaw.
Dagaal culus iyo ciidan badan oo maamulka Ahmed Madoobe kasoo diray magaalada Kismaayo ayaa duulaan kusoo qaaday ciidanka dowlada oo maalmihii dhaweyd fariisimo kadhigtay magaalada Raaskaambooni si ey aminga ugala wareegaan Amisom oo dhaamdka sanadkaan kabaxaya Somalia.
Ugu dambeyn ciidankii dowlada ayaa joojiyey dagaalka waxa eyna galeen xadka kenya. Kuwaas oo isku dhiibay ciidanka Kenya Bartaas Joogay. Sida ey ku shaaciyeen bartooda X ciidanka ilaalada xadka Kenya.
Sida warar kale ey sheegayaan ciidamo kale ayaa isku dhiibay ciidamada maamulka Jubbaland. Lama oga tirada saxda ah ilaahada. Dowlada ciidamadeeda ayaa siweyn iskugu dayeen in ey iska caabiyaan ciidamada maamulka Jubbaland laakiin ma eysan usuurta galin.
Dowlada oo saakadii hore usoo jeedisey dhaleeceyn maamulkaas in uu la shaqeeyo Alshabaab kadib markii ey si nabad ah uga soo gudbeen deegaanada Alshabaab ey heesato.